CORONAVIRUS (COVID-19) RESOURCE CENTER Read More
Xanuunka Walwalka Musiibada Kadib Ee KU Dhaca Dadka Waaweyn

Waa Maxay Xanuunka Walwalka Musiibada Kadib?

Xanuunka Walwalka Musiibada Kadib waxaa lagu magacaabaa arbushaada dareen, dabeecad iyo jireed ee qofka asiibta kadib marka uu la kulmo masiibo aad u weyn. Tusaale ahaan, dhacdooyinka masiibo oo ay ku jiraan kufsasho ama xoogid jinsiyeed, u soo joogid dil ama la kulmid dhawac culus, ama asbaabo dabiici ah ama dagaalo ay dad badan si jamaaci ah ku le’daan.  Dadka u dhibanayaasha u ah arimahaas ama u soo joogay dhacdooyinkaas musiibooyinka ah ee aad u daran waxay khatar ugu jiraan inay la ku dhaco Xanuunka Walwalka Musiibada Kadib.

Ma ahan in qof walba oo u soo joogay ama arkay dhacdo nolol halis gelinaysa inuu ku dhacayo Xanuunka walwalka musiibada kadib. Waxay dadka qaar ka soo kabsadaan iyagoo aanan wax dawoyin qaadan, qaar kalena kuma dhaco Xanuunka walwalka musiibada kadib illaa sanooyin kadib marka ay masiibadu dhacdo. Si kastaba ha noqotee, haddii aanan la iska daaweynin, wuxuu Xanuunkan daciifiyaa shaqada qofka, waxbarashadiisa iyo la xiriirkiisa bulshada.

Marka laga yimaado qiimeyn uu sameeyo qof ku takhasusay caafimaadka dhimirka, badanaa waa muhiim inuu qiimeyn sameeyo takhtar si meesha looga saaro asbaabo caafimaad jireed oo sababi karta calaamadahan.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Xanuunka Walwalka Musiibada Kadib?

Qofka la ildaran Xanuunka walwalka musiibada kadib waxaa muddo dheer ka soo daahiri kara calaamadahan:

  • Wuxuu si soo noqnoqod leh ugu noolaadaa dhacdadii musiibada isagoo dib u milicsanaya, xusuusanaya, ku riyoonaya ama isagoo dareemaya cabsi.     
  • Wuxuu dareemayaa inuu ka go’an yahay xaaladaha dareen, wuxuuna muujiyaa inuu dareen la’ yahay.
  • Wuxuu dhib ku qabaa hurdada.
  • Wuxuu ka fogaadaa xaalad ku sababi karta inuu dib ugu noolaado cabsidii.
  • Wuxuu muujiyaa dareen weyn oo ah inuu waardiye iska hayo ama uu feejigan yahay.

Qofka ku nool Xanuunka walwalkaga musiibada kadib waxaa laga yaabaa inuu muujiyo calaamado dhibaatooyinka dareenka la xiriira oo kale sida isagoo dareemaya rajo la’aan, murugo, is difaacid iyo deg –deg u xanaaqid. Waxaa laga yaabaa inay qaarkood bilaabaan inay khamri, marujuaana iyo daroogooyin kale inay isticmaalaan si ay isula tacaalaan. Waxaa sidoo kale caan ah inay dadka la ildaran Xanuunka walwalka musiibada kadib ay xanuun jirka ah ka cawdaan sida madax-xanuun, calool-xanuun, murqo-xanuun, madax-wareer iyo xabad-xanuun.

Maxaa Sababa Xanuunka Walwalka Musiibada Kadib?

Sababta dhabta ah ee Xanuunka walwalka musiibada kadib si buuxda looma fahmin. Guud ahaan, Xanuunka dhimirka wuxuu ka dhashaa asbaabo firreed, kuwa noolaha la xiriira iyo kuwa bii’ada la xiriira oo is biirsaday. Raad isku yeelashada noolaha iyo bii’ada waa mid adag. Maskaxdu waxay saameysaa dabeecada qofka, khibraduna waxay saameysaa koritaanka maxkaxda.
Calaamadaha Xanuunka walwalka musiibada kadib waxaa kiciya dhacdo musiibo. Baaritaan cilmiyeed wuxuu muujinayaa in dadka uu hore u asiibay dhacdo musiibo sida (ilmo lagu soo xadgudbay, dhaacax culus ka soo gaaray musiibo ama dagaalo u soo joogay) waxay u badan yihiin inuu ku dhaco Xanuunka walwalka musiibada kadib. Baaritaano cilmiyeed kale waxay muujinayaan in uu jira meelo gaar ah oo maskaxda ka mid ah oo u xilsaaran calaamadaha Xanuunka walwalka musiibada kadib sida cabsida, walwalka, fikrad la soo boodid iyo soo xasuusasho.      

Sidee Xanuunka Walwalka Musiibada Kadib Loo Daweeyaa?

Daawada Xanuunka walwalka musiibada kadib waxay isugu jirtaa daawo dabiici ah iyo daaweyn kale.
Iyadoo gacan laga helayo la taliye, qofka la ildaran Xanuunka walwalka musiibada kadib  wuxuu baari karaa, dibna u eegi karaa dhacda musiibada ee hore uu u soo maray wuxuuna ka baran karaa inuu fahmo islamarkaana uu la qabsado dareenkiisa cabsida iyo walwalka.
Daaweyntu waxay wax ka tari kartaa si loo yareeyo calaamadaha walwalka iyo murugada sarena loogu qaado nashasadiisa. 
Marka ay daaweyn dhaxalgal ah helaan, dadka qaar waxay ku soo kabsadaan bilooyin gudahood, halka ay qaar kalena ay muddo badan ku qaadan karto-mararka qaar sanooyin ama ka badan- si uu uga soo kabsado Xanuunka walwalka musiibada kadib.

Sideen Gargaar u Heli karaa?

Haddii aad ama qof qoyskaaga ka mid ah isku arko qaar ka mid ah calaamadaha aan kor ku soo xusnay, la tasho takhtarka qoyskiina weydiina qiimeyn dhimireed oo munaasib ah iyo daaweynteeda.

Adiga iyo qofka ka mid ah qoyskaaga wuxuu xaq u yeelan karaa inuu adeeg caafimaad dhimirka ah ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmadiina. Degmadu waxay leedahay teleefoon nambar lacag la’aan ah oo 24ka saac maalintii shaqeynaya, kaasoo ay ka shaqeynayaan dad ku takhasusay cudurad dhimirka kuwaasoo qiimeyn kara baahidaada islamarkaana xafiisyada munaasib kuu ah ee aad adeegyo ka heli karto kuu gudbin kara. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad jeceshahay. Adeegyadooda iyo nambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowlada degmada iyo buugaga teleefoonada maxaliga ah.

Xageen Ka Helaa Xog Dheeri Ah?

Machadka Qaranka ee Daaweynta Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

Ururka Qaranka ee Daaweynta Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nmha.org

Isbahaysiga Qaranka ee dadka dhimirka ka jiran
(800)-950-6264
http://www.nami.org

Ururka Mareykanka ee Cudurada Walwalka (301) 231-9350
http://www.adaa.org